Qabtey Munaasabadii afaraad ee la Magacbaxdey (Eastleih Peace Festival)
Waxaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya lagu qabtey, munaasabdii afaraad ee xafladii loogu magac darey (Easleigh Peace Festival), xafladan ayaa ahayd mid looga wacyi galinayay halista ay argagixisadu leedahay iyo waliba falalka lidka ku ah amniga iyo xasiloonida.
Xafladaasi sida heerka sare ah loosoo agaasimey oo aay kasoo qeyb galeen boqolaal qofood oo reer Eastleigh, isla markaana loogu magac darey (Nabadi waa nolole, Dhalinyarooy Nageeh) taasoo lagu wacyi galinayo dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa waxaa soo agaasimay koooxda waayaha cusub.
Waxa xafladan inta ay socotay wacdaro ka dhigay dhalinta Waayaha Cusub iyadoo sidoo kale fursad qaaliya la siiyay fanaaninta soo baxaysa … “Waayaha Cusub had iyo jeer waxaanu jecelnahay inaan fursadsiino fanaaniinta soo baxaysa, ” ayuu yiri shiine Akhyaar oo ah gudoomiyaha kooxda waayaha cusub.
“Alshabab ha dhacdo, Alshabab ha dhacdo, Alqaacida ha baaba’do” ayaa waxaa hal mar ku wada dhawaaqey dhamaan ka soo qayb galayaashi xaflada iyaga ku macneeyay in ay tahay halista dhalinta Soomaaliyeed.
Xafladahan aya ah kuwa taxana ah oo dhalinta Waayaha Cusub ugu talagaleen bulshada ku dhaqan xaafada Eastleigh sidii ay uga wacyigalin lahaayeen xagjirnimada iyo ficilada lidka ku ah nabada waxa ayna dhalinta Waayaha Cusub qorshaynayaan in qaybaha soo socda ay ku qabtaan meel fagaara ah si bulshada eastleigh ay hal meel nabada ugu wada dabaaldagaan iskuguna booriyan halista xagjirnimada iyo argagixisadu leedahay
dhalinyaradi ka soo qeeb gashay xaflada ayaa waxaa goobtaasi ay kooxda Waayaha Cusub ugu qeybiyeen funaanado xambaarsan fariimaha nabada ayado xusid mudan tahay in rabshado ka dhacayay xaafada islii oo aheed halka uu ka dhacay barnaamiskaasi wax sameyn ahi ku yeelan isla markaasina jawi heer sare ah ku soo dhamaaday.
By Nuur Ismail Sheikh

Comments
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings

05-01-2013 02:40
377 Reads